Yurub oo ku fashilantay inay isku raacdo qorshe ciidamo ay ugu diraan Ukraine

 

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa shir degdeg ah ku yeeshay magaalada Paris si ay u muujiyaan isku duubni kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si toos ah ugala hadlay dagaalka Ukraine, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyada oo aan wax wadatashi iyo tixgalin la siin Yurub.

Shirka, oo uu iclaamiyay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa socday in ka badan saddex saacadood, waxaana ka qeybgalay hoggaamiyeyaasha EU iyo NATO, sida Ra’isalwasarayaasha Jarmalka Olaf Scholz, Ingiriiska Keir Starmer, Talyaaniga Giorgia Meloni iyo kan Poland Donald Tusk.

Scholz wuxuu ku baaqay in Yurub ay si wadajir ah u sugto amnigeeda, halka Guddoomiyaha Golaha Yurub Ursula von der Leyen ay adkaysay baahida degdegga ah ee kor loogu qaadayo difaaca Qaarada. Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa digniin ka bixisay in Ruushku hadda khatar weyn ku yahay Yurub oo dhan.

Qodobka ugu muranka badnaa ee la isku wabtay waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in ciidamada Yurub la geeyo Ukraine. UK iyo Sweden ayaa muujiyay diyaar u ahaanshiyaha arrinkaasi haddii heshiis nabadeed la gaaro, halka Jarmalka iyo Poland ay si adag uga soo horjeesteen. Ra’isalwasaara UK ayaa Mareykanka ka codsaday in Ukraine la siiyo dammaanad amni, taasoo uu ku tilmaamay sida kaliya ee looga hortagi karo weerarro dambe oo Ruushka ku qaado dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Hungary Viktor Orbán ayaa cambaareeyay shirka, isagoo ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha Yurub inay yihiin “kuwa dagaal-doon ah” oo diidan heshiis nabadeed. Shirka Paris wuxuu yimid xilli Mareykanku uu wax ka beddelayo istiraatiijiyaddiisa, iyada oo Trump uu isku dayayo inuu la xaajoodo Ruushka isaga oo aan Yurub waxba la kaashan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu uga digay Yurub in la gaari karo heshiis isaga iyo dalkiisa laga qariyay. Wadahadalka u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka oo ka socda Sucuudiga ayaa sare u qaaday filashada shir rasmi ah oo dhexmari kara Trump iyo Putin, taasoo sii xoojin karta in Yurub laga saaro geedi-socodka nabadda ee Ukraine.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed