Yaa Ka dambeeyay Weeraro Xalay Ka Dhacay Boosaaso.

Habeenimadii Khamiistu soo geleysey, ayaa weerar ku qaadeen Suuqa al-Macruuf ee magaalada Boosaaso, kaas oo ka mid ah dukaamada ugu waaweyn gudaha Puntland.

kooxda meesha gashay ayaa tooktay Waardiyihii goobta kadibna horay ayey ka sii wadeen weerarkii ay wadeen, iyaga oo bilaabay in ay Bumbooyin ku tuuraan dukaaamo ku yaallay goobta.

Warar ay heshay HBN tv ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay fulisay weerarkaan kadib markii ay bixin waayeen lacago ay ka qaadi jireen oo sharci darro ahaay, warkaan waxan ka soo xigmay Ilo Xog ogaal ah.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo Xarunta la weeraray booqday ayaa sheegay inay aad uga xun yiiin falkaasi weerarka ah, isaga oo sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay weerarkaas.

Halka lama ammaanka ay sheegeen in ay wadaan Baaritaano ku aadan cidii falkaan ka dambeysay.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed