Xuutiyiinta Yemen oo dagaal ballaaran ku hanjabay

Xoogagga Yemen ee Xuutiyiinta ayaa ku bixiyay digniin inay qaadi doonaan duullaan ballaaran haddii ay soo idlaato rasaas joojinta iminka ka jirta dalkaasi.

Mohamed Al-Atifi oo Xutiyiinta u ah Wasiirka Gaashaandhiga ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka kooxda in dalalka isbahaysiga oo Sucuudigu hoggaaminayo ay xaqiijiyeen doonista inay sii socoto xabbad joojinta, sida ay codsadeen, balse wuxuu sheegay in aanay sii jiri doonin oo ciidamada qalabka sida ee Yemen oo uu ula jeedo xoogagga Xuutiyiinta ay qaadi doonin tillaabooyin lagu soo celinayo isu dheellitirka gobolka.

Hadalkan ayuu jeediyay isagoo sodcaal ku marayay furimaha hore ee dagaalka, waxaana intaasi uu ku daray in xalku aanu gacanta ugu jirin Isbahaysiga balse iyagu ay hayaan xalka rasmiga ah uuna ka go’o.

Dalka Yemen iminka waxaa ka jirta rasaas joojin dhaqan gashay in ka badan sanad, inkastoo Qaramada Midoobay iyo dhinacyo kale oo caalami ah ay wadaan dadaal nabad lagagga dhalinayo dalkaasi oo ay soo mareen mid ka mid ah colaadii ugu xumayd una dhaxaysa ciidamada dawladda ee caalamku aqoonsan yahay iyo Xuutiyiinta tan iyo 2014.

Al-Atifi ayaa farriin uu u diray xulufada Sacuudigu hoggaamiyo wuxuu ku yiri “Haddii aad nabad doonaysaan waad ku naaloon doontaan, haddiise aad dagaal doonaysaan waxaan bilaabi doonnaa dagaal buuxa”.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed