Xubno ka tirsan Al shabaab oo lagu riday xkunno kala duwan

Maxkamada ciidamadada  Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku riday labo xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab, kuwaas oo caasimadda dalka ka fuliyay waxyaabo amniga lid ku ah, iyo khal-khal gelinta amniga gobolka Banaadir.

Labada ruux ayaa kala ahaay: Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye oo Al shabaab ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, waxaana la sheegay in ay macluumaadka u gudbin jireen Al shabaab, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha biyaha.

“Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye ayaa ahaay saaxiibbo iska raacay isticmaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka,Baariyow oo muddo gaaraysa 10 sano la shaqaynayay Khawaarijta ayaa waxaa uu ku Qanciyayy Qoslaaye oo ay saaxiibo ahaayeen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maxkamadda.

Maxkamadda Ciidamadada oo kiiskooda u fariistay ,maanta riday xukunno kala duwan, Axmed Xasan Baariyow lagu xakumay 15 sanno ah xabsi ciidan. Halka Aadan Maxamed Qoslaaye maxkamada ku riday 5 sano oo Xabsi Ciidan ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed