Xubnaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo lagu dhaariyay magaalada Garowe isla markaana dhaliyay khilaaf xooggan

Munaasabad la soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Golaha Wakiilada  Puntland ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 6-aad ee mamulkaas, Ku dhawaaqista liiska baarlamaanka ayaa ka horeysay xaflada dhaarinta, taasoo waabirigii hore la shaaciyay.

Munaasabadan ayaa waxaa daba socday cabashooyin kala duwan oo ka soo yeeray qaar ka mid ah Guddigii loo xil saaray xalinta khilaafaadyada ka dhex jira Baarlamaanka 6-aad ee dowlad goboleedka Puntland. Marka laga soo tago cabashadooda, dhaarinta ayaa u dhacday sidii loogu talo galay, waxaana goobjoogayaasha lagu soo daray liiska ay ka mid ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 5-aad oo waqtigooda uu dhamaaday balse liiska cusub ka galay.

Cabdirisaaq Xiddig Warsame Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka fariin u diray xubnaha magacyadooda ku soo baxay liiska lagu dhawaaqay, isagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin in la dhaariyo.

Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaannada baarlamaanka Puntland, Isaaq Axmed Xasan ayaa sharci darro ku tilmaamay liiska baarlamaanka ee lagu dhawaaqay. Isaaq, ayaa Madaxweyne Siciid Deni ku eedeeyay faragelin qaawan, wuxuuna Madaxtooyada  u jeediyay inay soo bandhigtay Liis badan oo Xildhibaano ah oo uu diiday inay ansixiyaan, warkaan ayuu sheegay ka hor inta aysan dhaartu dhicin, laakiinse ooma joojin.

Sikastaba  xubnaha cusub ee la dhaariyay ay si rasmi ah ula wareegaya doorkooda baarlamaanka 6-aad. Waxaana Guddoomiyaha cusub ee KGM ah noqday Xasan Cabdalle Xasan.

All reactions:

Hassan Ali Honest and 89 others

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed