Xisbiga talada haya ee Somaliland oo lagu sameeyay is beddel kadib doorasho ay qabteen

Xisbiga talada haya ee Somaliland ayaa doortay musharrax madaxweyne, muashrrax madaxweyne ku xigeen iyo guddoomiyaha xisbiag doorasho ay maanta qabteen  Golaha Dhexe ee xisbiga.

Xisbiga Kulmiye ayaa musharrax madaxweyne u doortay  Muuse Biix Cabdi oo hadda ah madaxweynaha talada haya ee Somaliland, kaas oo markale u tarmaya doorashada madaxtinimada maamulkaas,  musharrax madaxweyne ku xigeenka xisbiga  ayaa loo doortay Maxamuud Sacad Saajin.

Xisbiga Kulmiye ayaa sido kale wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed u doortay guddoomiyaha xisbiga, kaas oo horay u ahay guddoomiye ku xigeenka xisbiga, dhankale  Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye ayaa gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi u doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Kulanka waxaa khudbad ka jeediyay Muuse Biixi oo sheegay in uu iska casilay guddoomiyaha xisbiga kahor intaan Maxamed Kaahir loo magacaabin, waxaa uu intaas raaciyay markale ay kalsooni ku qabaan in la doorto.

Is beddelka  lagu sameeyay xisbiga talada haya ee Somaliland ayaa ku soo beegmaya iyada oo aanan wax hishiis ah laga gaarin hannaanka arrimaha doorashooyinka oo uu khilaaf xooggan ka taagnaa muddooyinkii dambe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed