Xillibaan Faratoon oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

Xillibaannada Golaha Wakiilada ayaa doortay guddoon cusub oo hoggaamin doona iyaga dooraashada ka dhacday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa  loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, kaas oo ku soo baxay tartanka.

Guddoomiye Fartaoon ayaa helay 46 cod, halka musharraxii la tartamayey Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod, sida ay shaaciyeen shir guddoonka golaha wakiilada Somaliland.

Guddoomiyahaan loo doortay Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kamid ah saaxiibad u dhawa madaxweyne Muuse Biixi, waxaa uu horay usoo noqday Wasiirka arrimaha debadda ee Somaliland.

Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa hoggaamin doona Golaha Wakiilada Somaliland, waxaa uu  beddelay  Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhowaan iska casilay xilkaasi, sababo la xiriira dagaalka Laascaanood, isaga oo sidoo kale shaaciyay in uu ka tagay  guud ahaan Somaliland.

 

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed