Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Nabadoonkii lagu dilay Degmada Bardaale, iyadoo laga cabsi qabo arrintaas in ay dagaal sababto. Malaaq Mansuur Yuusuf Maxamuud oo ahaa Malaaqa Beesha Leysaan (oo ka soo jeeda Beesha Raxanweyn) ayaa la sheegay in ay dileen Ciidamo taabacsan Maamulka Koonfur Galbeed, sida ay hadalka u dhigeen.
Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si toos ah ugu eedeeyay C/casiis Laftagareen madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed inuu soo abaabulay weerarkaasi. “Dhacdooyinka maanta ka dhacay Bardaale, ee lagu weeraray guriga Malaaq, laguna dilay, waa wax aad looga xumaado hab-dhaqanka Somaliyeed iyo midka Dowladnimada.” Ayuu yiri Abuukar. Wuxuu ku andacoodey in Laftagareen uu maamulkiisa u bedelay Maleeshiyo, taasoo dhibaato xoogan ku haysay shacabka Bardaale, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Weerarkaan ayaa waxa uu ka dhigi karaa mid adag xaalada kacsan ee degmada Bardaale ee gobolka Baay oo mudooyinkii dambe ay ka taagnaayeen khilaaf u dhaxeeyay maamulka degmadaasi. Dilka Malaaq Manuur Yuusuf oo ahaa nin la ixtiraamo ayaa sii kordhiyey welwelka laga qabo xasiloonida gobolka.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa aad uga carooday falkaan, iyagoo tilmaamay inay caqabad ku noqon karto dadaalada nabadeed ee laga wado deegaanada Maamulkaasi.
HBN NEWS DESK