Kullanka Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka 11-aad JFS oo maanta ka qabsoomay xarunta Villa hargeysa ayaa looga dooday qodoba dhowr ah meel marintooda iyada oo wasaarado qaar soo jeediyeen meel marinta hay’addo cusub, halka xildhibaannada qaar ay ka hadleen in la joojiyo lacagaha boqolkiiba 5 ee Wasaaradda maaliyadda.
Xildhibaanada kullanka ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha qaar dowladdu soo saareyso laga haboonaa, sida sharciga shanshuurta boqolkiiba 5 oo ay ku tilmaameen mid sharci dara ah oo dhuunta qabanaya sababayane in gaajo ay u dhintaan dadka soomaaliyeed iyo in laga fiirsado Hay’adaha aan loo baahneyn oo dad qaar lagu naas nuujinayo sida ay ka dhawaajiyeen xildhibaannadu.
Xildhibaan Faa’isa Jayte oo ka hor hadashay kulanka ayaa diidmo kala hortimid hindisahan 5 boqolkiiba ee wasaaradda maaliyaddu ku dhawaaqday, iyada oo sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay haystaan tusaala filan oo ah kii Kenya ka dhacay oo ay ula jeedo baxanaan baxyadii sababay in golaha wasiiradda dalkaasi shaqada laga cayriyo, ayna ku dhinteen ku dhawaad 40-ka ruux.
Waxaa ay kala fogeysay Canshuurta Soomaaliya iyo tan dalalka Deriska ah ee uu Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Biixi Iimaan Cige Tusaale usoo qaatay iyada oo sheegtay in Dalalkaas ay isitcmaalaan Lacagahooda Kaashka ah.
“Wasiirka inta seexdo ayuu sharci iska soo saaraa, yaa xaq usiisyay wasiirka maaliyada in uu shacabkaan masaakiinta ah dhuunta qabto oo uu dhaho EVC ayaan ku casnshuuraa, dadka inay macaluul udhintaan maala rabaa dadka soomaaliyeedna kuwa kenya kama Caqli yara” Xildhibaan Faiza Maxamed Jeyte
Sida oo kale Xildhibaan Faa’isa Jayte oo sii hadlaysay ayaa waxa ay dalbatay in fadhiyada soo aadan looga yeero wasiirka Maaliyadda, si wax lagag waydiiyo cida ay uu kala tashaday go’aanka uu gaaray, halka ay ku eedeysay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga in uusan faah faahin ka bixin hishiisyo Itoobiya iyo Somaliland, Qaraxii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad iyo weerarkii Galcad oo Askar badan ku dhinteen.
Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa isna sheegay in loo baahanyahay in loo yeero Wasiirka Maaliyadda oo canshuur ku soo rogay adeegga mobileda, isaga oo carabaay in waxaan golaha soo marin aanan la saari Karin shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaanadda mucaaradka dowladda ayaa horay u sheegay waxbaayaha dowladdu wado ay yihiin kuwa lagu xagal daacinayo mustablka dalka iyo dadka soomaaliyeed, iyada oo codsaday wax laga bedelo sida dowladdu wax u wado hadda.
HBN ONLINE TV