Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish ayaa eedeymo culus u jeediyey Dowladda Federaalka, ka dib markii ay ku dhaliileen in aanay qaadan doorkii ay ku laheyd, sida ay hadalka u dhigeen.
Bayaanka xildhabaanadan oo laga hor akhriyey guddoonka golaha shacabka Shacabka oo shir uga socday xaruntooda Villa Hargeysa ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay gabtay sida hadalka loo yiri doorkeedii ay ku laheyd dagaalka ka dhanka kooxda Daacish ee ka socda Buuraha Calmiskaad.
Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in ay siyaasadeysay Dowladda Federaalka dagaalka socda, iyada oo kala garan weysay sida warka loo dhigay khilaafka iyaga iyo Puntland ka dhexeeeya.
“Madaxweynaha waa in uu kala saaraa Khilaafka siyaasiga ah iyo arimaha amniga dalka” ayaa lagu warkan oo uu warbaahinta u akhriyey Xildhibaan Cali Mahdi.
Dowlada Federaalka weli kama jawaabin eedaan, waxay goobo kala duwan ka sheegtay inay taageersan tahay dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad, iyadoo dhowr jeer bayaanno ku sheegtay in duqeymo DFS ay kaga taageereen howlgalka Maraykanka in lala beegsaday goobo ay kooxdu kaga sugnaayeen gobolka Bari.
HBN ONLINE TV