Warar soo baxaya ayaa muujinaya xiisad cusub oo ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland, taasoo ka dhalatay dhacdooyin la xiriira qabashada afar doonyo kalluumeysi iyo Ganacsi oo ka dhacay magaalooyin xeebeed oo ku kala yaalla gobollada Sanaag iyo Bari ee Soomaaliya.
Magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag, dad deegaanka ah ayaa sheegay in saaka ay yimaadeen ciidamo ka socda Somaliland oo wata doonyo hubaysan, kuwaas oo qabsaday ugu yaraan laba doonyood oo ay lahaayeen kalluumaysato deegaanka ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in aysan garanayn sababta weerarka, balse ay maqleen rasaas iyo doonyo laga qabsaday.
Dhacdo taasi u muuqata mid jawaab u aheyd ayaa ka dhacday magaalada Baargaal ee waqooyibari gobolka Bari, waxaana iyane laga qabsaday laba doon ganacsi oo u rarnaa dhanka Somaliland. Lama soo werin wax khasaare nafeed ah, mana jirto weli wax war rasmi ah oo ka soo baxay Somaliland iyo Puntland. Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in tallaabadaas looga jawaabayay weerarkii saaka ka dhacay xeebta Laasqoray.
Ilaa iyo hadda, ma jiraan warar rasmi ah oo si buuxda u caddaynaya cidda mas’uulka ka ahayd tallaabooyinkaasi, Si kastaba ha ahaatee, falalkan is-daba joogga ah ayaa sare u sii qaaday xiisadda amni ee mararka qaar ka qarxeysa deegaannada lagu muransan yahay ee ay Somaliland iyo Puntland kala sheegtaan.
Qubarada amniga ayaa arrintan ku sheegay inay keeni karto walaac cusub oo ku saabsan xasiloonida gobolka, iyadoo loo baahan yahay in si degdeg ah loola tacaalo xaaladda, si looga hortago in dagaallo ka dhex qarxaan bulshada labada dhinac.
HBN ONLINE TV