Xeer ilaalinta Soomaaliya oo sheegtay in la burburiyey Shabakado Maaliyadda u qaabilsanaa Argagixisada

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in ku guuleystay burburinta shabakado maaliyadeed oo kooxaha loogu yeero argagixisadu ku dhici jireen hantida shacab, kaasi oo laga helay in ka badan hal milyan oo doollar.

Xeer ilalainta ayaa sheegtay in oo laga helay koontooyin maaliyadeed oo ay adeegsan jireen kooxohu, in hadda si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, ka dib markii Maxkamad soo saartay xukun kama dambeys ah.

Sida oo kale Xafiiska ayaa xayiray, baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag malaayiin doollar ah ku kaydsan tahay, kuwaas oo looga shakisan yahay sida hadalka loo dhigay kooxuhu u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha ay shacabka ku waxyeeleeyaan.

“Koontooyinkan ayaa marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda”, ayaa lagu yiri warka xafiiska oo la sii raaciyey in uu bogaadinayo shacabka Soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha loogu yeero argagixisada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa faray ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka howlgala dalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda ka hortagga lacag-dhaqista iyo maalgelinta argagixisada iyo dhammaan xeerarka kale ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed