Khilaafka ka dhexjira ONLF oo cirka isku shareeray, xili lagu dhawaaqay is baheysi ka dhan ah Itoobiya 

Ururka ONLF, garabkiisa dowlad deegaanka Soomaalida ayaa beeniyey inuu ku biiray isbahaysi ay sameysteen kooxo mucaarad ah iyo jabhado hubaysan oo ka soo horjeeda xukuumadda Itoobiya, iyadoo sheegtay in magaca ururka si aan sharci ahayn loogu adeegsaday isbahaysigaasi.

War saxaafadeed uu soo saaray ONLF maanta ayuu ku sheegay in ururku aanu wax lug ah ku lahayn Isbahaysiga Xoogagga Dadka Itoobiya ee Badbaadada, kaas oo ay ku dhawaaqeen 7 kooxood oo Itoobiya ka jira. Wuxuu sheegtay in qaar ka mid ah dadka magaca ururka u adeegsaday isbahaysiga ay yihiin sida hadalka loo dhigay xubno uu hormuud u yahay guddoomiyaha garabka ONLF ee mucaaradka ah, Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, ayna tallaabadaasi ka tarjumayn mowqifka rasmiga ah ee ururka.

Sidoo kale, ONLF ayaa xustay in sannadkii 2018 ay heshiis nabadeed la gashay dowladda Itoobiya, taas oo u saamaxday sida ay ku doodeen inay hadafkeeda siyaasadeed ku raadsato hab nabadeed. Ururku wuxuu sheegay in mowqifkiisaasi aanu waxba iska beddelin, isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu xulufo ama heshiis la galo kooxo hubaysan oo uu ku eedeeyay inay ka shaqeeyaan amni-darro iyo xasillooni-darro.

Jabhadda ayaa sheegtay inay ka xun tahay in shaqsiyaad ay ku tilmaamtay danaystayaal horey uga tirsanaa ururkan si kale loogu dhawaaqo JWXO ay sheegtaan inay magacooda ku galeen isbahaysiga kooxaha hubaysan. ONLF waxay caddeysay in dadkaasi aanay matalin mowqifkeeda rasmiga ah, isla markaana aanu jirin heshiis siyaasadeed oo ay la wadaagto kooxaha ku dhawaaqay isbahaysiga.

Dhanka kale, Isbahaysiga lagu dhawaaqay ayaa waxaa isku bahaystay jabhadaha Fano, Oromiya, Tigreega, ONLF, Ugugumo, Binshangul iyo Gumuz. Isbahaysigu wuxuu sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kadibna la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay, hase yeeshee ONLF, garabkeeda gobolka jooga waxay si cad u sheegtay in magaceeda si khaldan loogu daray isbahaysigaasi.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed