Maamulka Puntland oo sheegay inay qabteen “Maleeshiyaad” la doonayey in lagu qalqal galiyo amniga Mudug

Wararka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in laamaha ammaanka Maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen koox ay ku tilmaameen “maleeshiyaad” oo sida hadalka loo dhigay lagu doonayay in lagu qalqal geliyo amniga gobolka.

Puntland ayaa xaqiijisay in ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen tobanaan dhalinyaro oo la sheegay inay doonayeen inay ku biiraan ciidamada dowladda oo saarnaa 2 gaari oo ay ku shaabadeysnaayeen calaamada ciidamada xoogga, kuwaas oo lagu qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada gaari iyo ciidamadu ay ku sii jeedeen Dugsiga Tababarka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, halkaas oo la sheegay in tababar loogu qaban lahaa.

Ilaa hadda lama oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan laamaha ammaanka maamulka Puntland iyo halka ay ku dambayn doonaan ciidamada iyo gaadiidka la qabtay.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed