Ku dhowaad 7-kun oo ceel oo halis ugu jira fatahaadaha roobabka la filayo in bilaha soo socda ay da’aan Soomaaliya

Waxaa si weyn looga digayaa xaaladda Ku dhowaad 7,000 oo ceel-biyood oo ku yaalla hareeraha webiyada Soomaaliya, kuwaa oo halis ugu jira inay waxyeello ka soo gaarto fatahaadaha la filayo xilliga roobabka Deyrta, sida  ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan sheegay in ceelasha ay biyuhu qarqiyaan ama dhoobadu buuxiso ay adkaan karto dib-u-hawlg­elintoodu, taasi oo carqaladayn karta helitaanka biyaha ee bulshooyinka ku nool deegaannada nugul.

Sidoo kale, Wuxuu xusay in xaaladda dabaylaha xooggan ee la saadaaliyey ee Super El Niño ay keeni karto roobab culus iyo fatahaado inta u dhexeysa Oktoobar iyo Diseembar ee sanadkan 2026, sidaas darteedna loo baahan yahay diyaargarow ballaaran.

Bidhaan ayaa ka digay in qaybo dalka ka mid ahi wajihi karaan abaar haddii roobabka Deyrtu yaraadaan, gaar ahaan kaddib xilli-roobaadkii Gu’ga oo roobkiisu ku yaraa deegaanno badan. Wuxuu ku baaqay iskaashi dhex mara dowladda federaalka, maamul-goboleedyada, bulshada iyo hay’adaha gargaarka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA ayaa 29 degmo oo ku kala yaalla 14 gobol ku tilmaantay kuwo si weyn ugu nugul fatahaadaha webiyada iyo daadadka roobka. SoDMA waxay sheegtay in digniintu aanay ahayn cabsi gelin, balse loogu talagalay in bulshada la siiyo fursad ay hore ugu diyaargarowdo, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maalba.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed