Xamza Cabdi Barre iyo Ilhaan Cumarb oo kulan muhiim ah ku yeeshay dalka Mareykanka

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi ayaa yeeshay kulan gaar ah, Barre ayaa hadda ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeyb galayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay [UNGA78].

Wadahadalka Xamza iyo Ilhaan Cumar ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, siyaasadda, horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, iyo sidii Mareykanka uu u xoojin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza  ayaa Isniintii gaaray New York si uu uga qeyb galo shirka 78-aad ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga wada hadlayo caqabadaha muhiimka ah ee horyaala caalamka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya, wuxuuna kulamo miro dhal ah la qaadan doonaa madaxda caalamka.

Wuxuu ka warbixin doonaa isbedelada amnga, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka ka jirta, Xamza ayaa la wadaagaya madaxda xog ku saabsan dadaallada  Soomaaliya, isagoo diirada saaraya sida ay dowladda uga go’an tahay nabadda, barwaaqada, iyo amniga dalka, caqabadaha sida faqriga, colaadaha, iyo isbedelka cimilada.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayuu ku soo bandhigayaa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii ay wax uga qaban lahayd, loogana ciribtiri lahaa khatarta Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo weerarada ka dhaca Geeska Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed