Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay bandow guud oo laga hirgelinayo magaalooyinka waaweyn ee deegaannadeeda, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo amniga doorashada Qof iyo Cod ee la filayo inay si dhow uga qabsoonto Galmudug.
Bandowga ayaa la sheegay inuu bilaabanayo caawa oo Khamiis ah, isla markaana socon doono illaa habeen dambe. Taliyaha Qeybta Booliiska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa warbaahinta u sheegay in amarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu sugayo amniga guud & habsami u socodka doorashada.
Taliyaha ayaa sheegay in inta uu bandowgu socdo la xaddidayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, hase yeeshee laga reebay gaadiidka laamaha amniga, gaadiidka Guddiga Doorashooyinka, hawl-wadeennada doorashada iyo warbaahinta.
“Ujeedka bandowgu ma ahan in la dhibo shacabka, balse waa in la sugo nabadgelyadooda iyo tan doorashada taariikhiga ah ee nagu soo fool leh. Waxaanka codsanaynaa muwaadiniinta inay nala shaqeeyaan ciidanka ammaanka,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Galmudug.
Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa lagu daadiyay waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka Dhusamareeb, Gaalkacyo iyo Cadaado si ay u dhaqan-geliyaan amarka bandowga iyo inay xaqiijiyaan amniga goobaha doorashada.
Doorashada Qof iyo Cod ee Galmudug ayaa lagu wadaa in lagu doorto goleyaasha deegaanka, iyadoo ay noqonayso doorashadii ugu horreysay ee noocan ah ee maamulkaasi ka hirgasha.
HBN ONLINE TV

