Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey tirade guud ee codbixiyeyaasha laga diiwaangeliyey doorashada maalinta berri ah lagu wado in lagu qabto deegaannada maamulka Galmudug.
War saxaafadeed lagu bayaaniyey xogtaan la soo saaray ayuu ku sheegay guddigu in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay u dhacday si waafaqsan Sharciga Doorashooyinka Qaranka iyo habraacyada u dejisan, iyadoo laga fuliyey 11 degmo.
Sida xogta la soo bandhigay muujisay tirada guud ee doorashada loo diwaangaliyey ayaa noqonaysa 267,420 oo ruux, waxaana degmada Galkacyo noqotay midda ugu badan ee laga diiwaangeliyey codbixiyeyaasha, iyadoo tirade dadka yihiin 65,950 qof.
Waxaa ku xigtay degmada Caabudwaaq oo laga diiwaangeliyey 48,358 qof, halka degmada Hobyo laga diiwaangeliyey 37,734 qof, inkasta oo deegaannada tiradan laga soo kala keenay ay gaarayaan 41 deegaan iyo tuulo oo hoos yimaada.
Degmooyinka kale ayaa laga diiwaangeliyey iyagane tiro badan oo dad ah: Cadaado 33,679 codbixiye, Dhuusamareeb 23,735, Guriceel 22,011, Xarardheere 9,929, Xeraale 8,872, Balanbale 7,349, halka degmooyinka Galcad iyo Masagawaayna laga diiwaangeliyey 4,368 codbixiye.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in xogtan ay qayb ka tahay diyaarinta doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Galmudug 30-ka bishaan oo berri ku aadan, iyadoo diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay tahay tallaabadii ugu dambeysay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Galmudug, waxay noqonaysaa meeshii 3-aad ee doorashada qof iyo codka ah uu ku qabto guddiga doorashooyinka Soomaaliya, halka ay tahay dowlad-goboleedka 2-aad ee doorasho laga qabanayo, kadib maamulka Koonfur Galbeed.
HBN ONLINE TV

