Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaysa Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof, ayna Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ku xukuntay xabsi daa’in ayaa lagu wadaa in loo soo wareejiyo Soomaaliya si ay ugu dhammaystaan xukunkaas ku dhacay sida hadalka loo dhigay.

Codsigan ayaa ku saleysnaa heshiiska isku wareejinta maxaabiista ee ay Soomaaliya iyo Hindiya kala saxiixdeen sanadkii 2017-kii, waxaana loo gudbiyey wasaaradaha arrimaha gudaha & hn dibadda ee Hindiya, safaaradda Soomaaliya ee Hindiya iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Maxaabiistan oo ku xiran Xabsiga Dhexe ee Taloja ayaa sheegay in aysan dalka Hindiya ku lahayn ehel, isla markaana ay doonayaan in xukunkooda ay ku qaataan Soomaaliya si ay ugu dhowaadaan qoysaskooda.

Maxkamadda gaarka ah ee Mumbai ayaa 20-kii bishaan Luulyo ku heshay 44-kan nin dambiyo la xiriira burcad-badeednimo, iyadoo lagu xukumay sida uu dhigayo sharciga la-dagaallanka Burcad-badeedda Badaha ee Hindiya.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa qirtay dambiyadii loo haystay sida warbaahinta Hindiya sheegtay, waxaana qareennadoodu ku doodeen inay buuxiyeen shuruudaha heshiiska u oggolaanaya in xukunkooda loogu wareejiyo dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Heshiiska labada dal ee la saxiixay sanadkii 2017 ayaa dhigaya in muwaadiniinta lagu xukumo xabsi muddo dheer ah ay codsan karaan in loo wareejiyo dalkooda si ay halkaas ugu dhammaystaan xukunka, haddii ay oggolaadaan labada dowladood—lana buuxiyo shuruudaha heshiiska.

Haddii codsigan la aqbalo, waxay noqon doonaan maxaabiistii ugu horreysay ee lagu dhaqangeliyo heshiiskaas.

9 ka mid ah maxaabiistan ayaa la qabtay bishii Maarso 2024, kaddib markii Ciidanka Badda Hindiya ay soo furteen doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iiraan, halkaas oo ay ku haysteen shaqaale u dhashay Pakistan. Isla bishaas waxaa la qabtay 35 kale oo lagu eedeeyay inay afduubteen markab ganacsi, waxaana dhammaantood loo gudbiyay magaalada Mumbai si maxkamad loo saaro.

Hindiya ayaa horay sanadkii 2018 dib ugu celisay Soomaaliya 117 muwaadiniin Soomaali ah oo dhammaystay xabsi 7 sano ah, balse ilaa hadda lama hirgelin heshiiska wareejinta maxaabiista ee 2017.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda laga sugayaa go’aanka ay ka qaadan doonto codsiga 44-kan muwaadin ee doonaya in xukunkooda loogu wareejiyo dalkooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed