Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay doodaha siyaasadeed ee ka taagan muddo-xileedka dowladda iyo hadalada ad adag ee Mucaaradku ku weerarayaan xukuumadda jirta ayaa isaga oo u jawaabaya wuxuu sheegay in muddo-xileedka dowladda uu yahay 5 sano.
Xamsa oo su’aal galiyey doodda Mucaaradka ee ku dhaqanka dastuurkii 2012 ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax ay ku kala duwan yihiin mudd-xilhaynta madaxweynaha isaga iyo kan hadda la ansixiyey ee la dhammaystiray.
“Waxaa is diidaya in la yiraahdo dastuurkii 2012 ayaa sax ah, haddana la yiraahdo muddo-xileedku wuu dhammaaday. Dastuurkaas wuxuu si cad u qeexayaa in muddo-xileedku yahay shan sano,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Sidoo kale, Wuxuu tilmaamay in haddii dib loogu noqdo dastuurkii 2012, aysan jirin sabab loo xuso in muddo-xileedku ku egyahay 15-ka May, wallow uu xusay in qodobkaas uu Baarlamaankii jiray wax ka beddelay.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah oo qabtay kulamo iyo shirar kala duwan ayaa sheegay in dalka uu ku jiro marxalad kala-guur adag, iyagoo ku doodaya in muddo-xileedka Baarlamaanka uu dhammaaday 14-kii bishaan Abriil 2026, isla markaana uu ku xigo kan Madaxweynaha oo maalmo kooban ka harsan yihiin 15-ka May.
Mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in dalka uu wajahayo xaalad ay ku tilmaameen mid mugdi ah, waxayna ku baaqeen in la sameeyo “Badbaado Qaran” si looga gudbo xaaladda taagan, halka ay ugu baaqeen shacabka inay door firfircoon ka qaataan dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed.
HBN ONLINE TV

