Ururuka Xamaas ayaa shaaca ka qaaday inaysan aqbalayn in cidna go’aan ka gaarto sida loo maamulayo Marinka Gaza, arintaasina ay tahay mid u taal dadka Falastiiniyinta oo aysan shaqo ku lahayn ha ahaadaan kuwa goboleed ama caalami ah.
Hossam Badran oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee ururka Xamaas ayaa war qoraal ah oo lagu daabacay berta Telegram-ka ee dhaqdhaqaaqa wuxuu ku yiri “Ma aqbali doono in cid heer goboleed ama caalami ah nagu qasabto sida aan u maareyno arrimaheena Marinka Gaza.”
Mike Waltz, oo ah lataliyiha ammaanka qaranka Mareykanka ee maamulka Donald Trump, ayaa u sheegay telefishinka CNN in Xamaass aysan mar kale xukumi doonin Marinka Gaza.
Xukuumadda Israa’iil ayaa sidoo kale ka dhigatay dhammaadka in Xamaas maamusho Marinka Gaza mid ka mid ah yoolasha dagaalka ba’an ee halkaas ka socday oo socday in ka badan 15-ka bilood.
Xamaas ayaa la wareegtay maamulida Marinka Gaza bartamihii Juun 2007 ka dib markii ay dagaallo la galeen ciidamadii amniga ee maamulka Falastiin & ururka Fatax.
Badran oo ka hadlayay heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil ee ku yimid dhexdhexaadin ay saeeyeen Qatar, Masar iyo Mareykanka, wuxuu yiri, “Waxa ilaa hadda la qabtay waa mid waafaqsan wixii la isku afgartay heshiiska xabbad-joojinta ee ay saxiixeen dhinacyo kala duwan.”
19-kii Janaayo, heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Hamas iyo Israa’iil ayaa dhaqan galay, iyadoo wejiga koowaad uu socon doono 42 maalmood, ka dibna wadaxaajoodka la sii wadi doono si loo bilaabo wejiga labaad iyo kan saddexaad, iyada oo dhexdhexaadinta ay ka qayb qaadanayaan Masar, Qatar iyo Mareykanka.
Badran ayaa tilmaamay in “mudnaanta hoggaanka dhaqdhaqaaqa ay tahay inay garab istaagaan shacabka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza, kuwaas oo bixiyey naf iyo maal badan intii lagu jiray dagaalka xasuuqa ah,” isagoo adkeeyey “baahida loo qabo in gurmad degdeg ah iyo mid bini’aadannimo loo fidiyo dadka ku nool Marinka.”
HBN Online TV