Dagaal khasaare geystay oo Baydhabo ka socda & wararkii ugu dambeeyey

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal kooban uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamada Koonfur Galbeed iyo xoogagga taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaasi oo sababay khasaare dhimasho.

Xogihii ugu dambeeyey ee laga helay dagaalka ayaa sheegaya in xoogagga taabacsan Laftagareen ay ka dhex dagaalayamaan Masaajida Carabta iyo Jaamaca oo labaduba ku yaalla agagaarka Afar irdoodka Baydhabo oo ah bartamaha magaaalada. Dhawaaqa hubka culus iyo rasaas ayaa laga maqlayaa weli xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo iyadoo dagaalkan uu qaatay saacado badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay saaka ka hortageen weerar qaraxyo ku bilowday oo ay magaalada ku soo qaadeen maleeshiyaad ay wasaaraddu ku sheegtay Alshabaab iyo xoogagga Laftagareen oo isku milmay sida hadalka loo dhigay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay weerarka ka hortageen, isla markaana ay dhinacyadii soo qaaday gaarsiiyeen jab xooggan, iyaga oo soo hamdhigtay Nuuca Cabdi Bile ah oo saaran yahay iyo tiro ku dhow xubnood oo meyd ah.

Waxa ay intaas ku dartay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada, ayna daba socdaan xubnihii ka firxaday goobta.

Dhanka kale, Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhyeenka ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis (Laftagareen), ayaa isana sheegay in ciidamadoodu ay ku dhowyihiin in ay“ gacanta ku dhigaan Baydhabo iyo guudahaan Koonfur Galbeed“.

Sheegashooyinka labada dhinac marka laga yimaado ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa waxa dhabta ah ee dhacaya, maadama weli magaalada dagaal ka socdo.

Weerarkan wuxuu kusoo aadaya 25 maalin kadib markii xoogagga Laftagareen ay weerar qaraxyo ku bilowday ka geystay magaalada Baydhabo 3-dii bishaan September 2026, iyada oo maamulka Koonfur Galbeed uu wacad ku maray in uu ka aarsan doono—iyada oo ciidamo ka mid kuwa dowladda ay ku geeriyoodeen.

Isha ku haay HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed