Waa sidee Xaaladda Baydhabo oo dagaallo culus ka dheceen ay ka dheceen maanta?

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa si caadi ah ku soo laabatay maanta wixii ka dambeeyey 12:30 Duhurnimo, kadib dagaallo sacado badan qaatay oo ka dhacay xaafado ka mid ah gudaha xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wararkii u dambeeyey ee ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya inay joogsadeen dagaalladii ciidamada Dowladda oo garabka helaya Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo xooggaga taabacsan madaxweyne hore Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ilaa saaka waaberigii ku dagaallamayey gudaha magaalada.

Hadda, si buuxda waxaa ammaanka magaalada gacanta ugu haya ciidamada Dowladda, iyada oo aan wax xog oo cusub laga helin khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada ula wareegay

Meelaha uu dagaalku saameyey waxaa kamid ah suuqa weyn ee Baydhabo oo ku yaalla bartamaha magaalada iyo xaafaddo xasaasi ah oo ku dhow madaxtoyada Koonfur Galbeed, Maasjidda Carabta iyo Jaamaca oo iyane isla aagaasi ka dheereyn. Tani waxay sababtay in guud ahaan aanu jirin wax ganacsi ah oo saaka ka furnaa Baydhabo.

Inkasta oo dagaallo culus oo aan waxba la isu reeban ay ka dhaeceen, ilo maxali ah ayaa sheegay in xoogaga daacadda u ah Laftagareen ay adeegsadeen Diyaarado Drones ismiidaamin ah iyo gaari qarax ah, balse ma jirto cadeymo rasmi ah oo arrintan xaqiijin kara.

Goorsii horeysay oo maanta ah, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay saaka ka hortageen weerar qaraxyo ku bilowday oo ay sheegtay in Alshabaab iyo xoogagga Laftagareen oo isku milmay sida hadalka loo dhigay ay Baydhabo ku soo qaadeen. Waxa ay intaas ku dartay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada, ayna daba socdaan xubnihii ka firxaday goobta.

Dhanka kale, Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhyeenka ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis (Laftagareen), ayaa isana sheegay in ciidamadoodu ay ku dhowyihiin in ay“ gacanta ku dhigaan Baydhabo iyo guudahaan Koonfur Galbeed“.

Weerarkan wuxuu kusoo aadaya 25 maalin kadib markii xoogagga Laftagareen ay weerar qaraxyo ku bilowday ka geystay magaalada Baydhabo 3-dii bishaan September 2026, iyada oo maamulka Koonfur Galbeed uu wacad ku maray in uu ka aarsan doono—iyada oo ciidamo ka mid kuwa dowladda ay ku geeriyoodeen.

Isha ku haay HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed