Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan qeylo dhaan xoogan oo ku aadan falalka amni darro ee ku soo badanaya magaalada. Habeennadii lasoo dhaafay ayaa xaafadaha magaalada Baledweyne waxaa ka dhacayay dhac baahsan oo lala beegsanayo shaqsiyaadka wata Moobeelada iyo agabka kale ee qaaliga ah, iyadoo dadka falalkaasi geystay ay u badan yihiin qoryaha AK47, isla markaana ku labisan dareeska ciidamada dowladda.
Xaalada adag ayaa muujineysa iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada deegaanka iyo kooxo burcad ah oo xalay ka dhacay deegaanka Buundaweyn ee magaalada Baladweyne. Iska horimaadkan, inkastoo uu kooban yahay, haddana wuxuu xusuusinayaa xaaladda ammaan ee deegaanka.
Dhacdo fool xun oo gaar ah ayaa kooxo hubeysan oo la sheegay in ay ku labisnaayeen dareyska ciidamada ay weerar ku qaadeen carwo ku taalla magaalada Baledweyne, halkaasi oo ay ku iibinayeen agabyo kala duwan oo dhar ah. Dad goob joogayaal ah ayaa ka sheekeeyay dhibaatada ay geysteen kuwaas oo qabsaday shixnado ganacsi, taasi oo keentay in dadkii goobta ku sugnaa ay jahawareer la kulmeen.
Dadka deegaanka oo walaac ka muujiyay dhibaatooyinka amni darro ee sii kordhaya ayaa ka cabanaya in aan la helin tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka amni darro, iyagoo tilmaamay in dambiilayaasha ay dareemayaan isla xisaabtan la’aan “Ma jirto wax badbaado ah,” ayuu yiri milkiilaha ganacsiga maxalliga ah, isaga oo ku celcelinaya dareenka qaar kale oo badan oo la tacaalaya xaaladda sii xumaanaysa.
Ammaanka Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ka taagan colaad y dhaxeeysa maamulada iska soo horjeeda ee isku haya gacan ku haynta Magaalada. Iyadoo ciidamada maamullada Hiiraan State iyo Hirshabeelle ay dagaalsan yihiin, taasoo sii xumaynaysa caqabadaha haysta dadka deegaanka oo doonaya inay ka nastaan colaadaha sii kordhaya.
HBN NEWS DESK