Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidanka Puntland & Daacish ayaa saaka ka dhacay deegaanka Haraaryo ee Toga Jaceel ee buuraha Calmiskaad, iyada oo uu ku bilowday qaraxyo ay kooxdu ku ekeysay fariisimaha ciidmada ee furinta hore jooga.
Ciidanka Puntland oo guulo ka sheegtay dagaalka ayaa sheegay inuu cagta mariyay kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana jiray malayshiyaad is qarxiyay inta dagaalka uu socday.
Sidoo kale, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay fashiliyeen sida warka loo dhigay Gaari dhaynaha ah oo qarax ka buuxay kaasi oo qorshuhu ahaa inuu isku qarxiyo difaaca hore ee Haraaryo ee togga jacayl ee Calmiskaad, iyadoo la toogtay ninkii waday gaariga iyo rag waday labo mooto oo qaraxyo ahaa.
Ilaa hadda tiro rasmi inta xubnood ee kooxda laga dilay Ciidamada Puntland ma soo bandhigin, wallow warar hordhac ah ay tilmaameen in inta la dilay ay ka badan tahay 20 xubnood oo Daacish
“Ciidanka ayaa hada wada howlgal kale oo sifayn ah waxayna baacsanayaan firxadka kooxaha argagixisada oo ciidanku ku qaadeen howlgal afar geesood ah” ayaa lagu yiri war kooban Ciidamada ka soo baxay.
Dhan kale muuqaalo lagu daacay barta gaarka ee warbaahinta Ciidamada Puntland ayaa muujinaya dhimashada dhowr xubno badan oo Ajaaniib u badan, kuwaa ciidamadu ku sheegeen inay yihiin dadkii saaka weerarka soo qaaday.
HBN ONLINE TV