Garsoore Cartan oo Kubadda Yurub ku qoray taariikhda Soomaaliya

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa xalay dhigay taariikh cusub, isagoo noqday garsoorihii ugu horreeyay ee aan Yurub kasoo jeedin ee dhex-dhexaadiya finalka UEFA Super Cup iyo midkii ugu horeeyey oo ka soo jeeda Qaaradda afrika iyo Soomaaliya.

Cartan ayaa si xirfad iyo degganaan leh u maamulay kulankii ay PSG iyo Aston Villa ku tartameen koobka, kaas oo PSG ku badisay 2-1.

Guushan ayaa Cumar Cartan ka dhigtay garsoore Soomaaliyeed oo magaca dalkiisa iyo Afrika ku metela masraxa ugu sarreeya ee kubadda cagta Yurub. Garsoorkiisa ayaa lagu ammaanay go’aannada uu qaatay iyo sida uu u maareeyay cadaadiska ciyaar heer caalami ah, iyadoo kulanka ay goob-joog ka ahaayeen madax iyo marti sharaf caalami ah, oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Sidoo kale, Cumar Cartan ayaa helay hambalyo iyo bogaadin ka timid hay’adaha kubadda cagta iyo shaqsiyaad caan ah, waxaana lagu tilmaamay garsoore Afrika ka socda oo taariikh ka sameeyay UEFA Super Cup. Halyeygii hore ee Talyaaniga iyo Juventus, Gianluigi Buffon, ayaa isna ku ammaanay qaabkii uu Cartan u maamulay kulanka.

Cartan ayaa garsoore heer caalami ah u FIFA ah tan iyo 2018, waxaana 2025 loo magacaabay 34 jirkan garsooraha ugu fiican Afrika. Wuxuu muddooyinkii dambe uu dhex-dhexaadiyay kulamo badan oo heer caalami ah, isagoo kamid noqday garsoorayaasha ugu sarreeya qaaradda Afrika.

Guushan ayaa si gaar ah muhiim ugu noqotay Cartan, maadaama uu dhowaan waayay fursaddii uu kaga qeyb geli lahaa Koobka Adduunka 2026 kadib markii Mareykanku u diiday inuu dalka galo, inkastoo uu haystay fiiso sax ah. Si kastaba, xalay ayuu ka jawaabay niyad-jabkaas isagoo dhigay bandhig taariikhi ah oo UEFA Super Cup ah, kuna qoray magaca Soomaaliya taariikhda kubadda cagta Yurub.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed