Weerar qaraxyo & dagaal toos ah isagu jira oo ka dhacay Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah isugu jira uu saaka ka dhacay xaafada Hawlwadaag ee magaalada, halkaasi oo khasaare balaaran uu ka dhacay.

Weerarka oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa oo aad u weyn ayaa ka dhacay hotelka Qaahira ooo ku yaalla Galbeedka magaalada, halkaasi oo ay shir ku lahaayeen Odayaal dhaqan & Rag la sheegay in ay abaabulayeen howlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo qorshuhu yahay in laga bilaabo Galbeedka gobolka Hiiraan.

Qaraxa gaarigu markii uu dhacay waxaa xigay qarax labaad oo la sheegay in uu ahaa nin isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, kaasi oo isla goobta ka dhacay, ka dibna maleeshiyaad hubaysan oo kooxda ka tirsanaa oo gudaha lug ku galay, kana dagaalamay.

Odayaal dhaqan, masuuliyiin laamaha ammaanka ah iyo dad shacab ah ayaa dhimsho iyo dhaawac uu ka soo gaaray, iyada oo tirada hordhaca ah sida goobjoogayaal ay sheegayaan ay gaarayso ku dhawaad 20 ruux oo dhimasho iyo dhawaac ah.

Sido kale, ciidamada dowladda ayaa soo badbaadiyey odayaal kale iyo saraakiil ku go’doomay gudaha Hoteelka, waxaana muuqaalo goobta laga helay ay muujinayaan burbur aad u xooggan oo soo gaaray dhismaha goobta la weeraray.

Dadka ku dhintay weerarka maanta waxaa ka mid ah Nabadoon Aadan Raaxo Jecel oo ka mid ah cuqaasha caanka ka ah gobolka, isla markaana aad ugu ololayn jiray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab .

Dhanka kale, magaalada Beledweyne waxaa la sheegay in qaybo ka mid ah laga maqlay dhawaqa hoobiyaal lagu soo tuuray xaafadddo ka tirsan degmada Howlwadaag, iyada oo qaar ku dheceen aargada caanka ah ee Sheekh Xasan Barsame beer ku dhow.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama hadlin khasaaraha iyo xogta sida ay u dheceen qaraxyadan maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed