Weerar culus oo sababay dhimashada 10 ruux oo ka dhacay degmada Jalalaqsi iyo dhaawaca guddoomiyihii degmada

Warrar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, weerarkaas ayaa dhaliyay khasaaro xooggan oo iskugu jiro dhimasho dhaawac.

Ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa galay makhaayad ku taal gudaha magaalada Jalalaqsi, waxaa la xaqiijiyay dhimashada 10 qof oo iskugu jiro ciidan iyo dad shacab ah, halka 9 ruux ay ku dhaawacmeen, dadka dhaawacmay waxaa kamid ah guddoomiyihii magalaada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Nuur Dheere.

Dhaawaca soo gaaray Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu yahay mid fudud, dhaawiciisa iyo  dadkii kale ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka, waxaana la sheegay in bartilaameedku uu ahaay guddomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa kamid ah hoggaamiyaashii dagaalkii wajiga 1aad ee Al shabaab looga saaray deegaannadii ay ka hesyteen gobolka Hiiraan, xilligaas ayuu kamid ahay taliyaashii ciidanka ee sida weyn kaga qeyb qaatay howgalladaas.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed