Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulamo muhiim ah la qaayay madaxda sare ee Bankiga Adduunka dalka Mareykanka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya oo kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Ku Xigeenkiisa, iyo xubno kale.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka Xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faah faahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha. Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirk iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika, shirkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed