Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka  Soomaaliya  oo bannaanka keenay xog ku saabsan hishiiskii difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka  Soomaaliya  Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska difaaca ee Turkiga uusan ahayn mid lagu xad-gudub ah balse uu yahay hishiis la xiriiro difaaca, hormarinta kheyraadka, dhaqaalaha,  dhisidda awoodaha ciidanka badda si loo ilaaliyo, loogana hortago khatar walbe oo soo wajihi karta guud ahaan duulka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ka dhawaajiyay in markii Itoobiya ay duulaanka ku soo qaaday biyaha Soomaaliya,  ay go’aansadeen in hishiiskaan difaaca ku saabsan in la yeeshaan dowladda Turkiga si Soomaaliya looga difaaca khatarta xooggan ee ku soo wajahan.

Isbuucii hore, Golaha Wasiirada  iyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis dhanka difaaca ah oo ay la galeen Turkiga, kaasoo dhigayay in Soomaaliya laga caawiyo ka hortagga argagixisada, burcad badeeda iyo khatarta dalalka shisheeyee ee damaacinaya biyaha Soomaaliya. Hishiiskaan ayaa ku soo aaday iyada oo xiisadda gobolka ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay taagneed.

Hadalkan oo faah faahsan, ayaa Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya waxa uu si guud uga hadlayaa sababaha heshiiska, mudada uu soconayo, qodobbadii ugu muhiimsanaa ee uu ka mid ahaa, sababtii ay Soomaaliya heshiiskan ula gashay gaar ahaan Turkiga iyo qodobo kale oo ku saabsan heshiiskan.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay  telefishinka Aljazeera ee dalka Qatar waxa uu ka hadlay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dawladda Itoobiya la saxeexatay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, waxaanu ku sifeeyey “Fal gardarro ah oo si cad u jabiyey  heshiisyada caalamiga ah, isla markaana gef cad ku ah qarannimada Soomaaliya, taaso ah sababta Sooomaaliya ay hishiiskan ula gashay dhiggooda Turkiga.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed