Maxamed Cabdi Maaraaye, maareeyaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa ka hadlay cabasho ka timid beeraleyda khudaarta u daabula magaalada Muqdisho.
Beeraleyda ayaa ka warbixiyay arrimo badan oo ku saabsan ciidamada dowladda ee ku sugan Koontaroolada, kuwaasi oo lagu baaro gaadiidka sida kuwa xamuulka qaada marka ay soo galaan magaalada Muqdisho. Arrimahaas waxaa ka mid ah baaritaanno baaxad leh oo inta badan sababa dib u dhac dheer, taasoo keeni karta in badeecadaha ay xumaadaan, gaar ahaan kuwa aan u adkeysan karin waqti dheer haddii aysan jirin wax kayd ah.
Beeraleyda ayaa sidoo kala cabasho ka muujiyay lacago sharci darro ah oo looga qaado koontaroolo kala duwan ee ku yaal wadada xiriiriso Afgooye iyo Muqdisho, isla markaana ay sheegeen in aysan awdoodin bixinta lacagaas ee aanan ku dhicin qasnada dowladda, oo ay qaataan shaqsiyaad gaar ah.
Aragtida dowladda ayaa ah in howlgallada isbaarooyinka baaritaanada ay muhiim u yihiin sugidda amniga, loogana hortagayo maleeshiyada Al-Shabaab ee sida sharci darrada hubka ku qariya sida shixnadaha qudaarta. .
“Wasaaradda Beeruhu waxa ay ka go’an tahay in aynu garab istaagno beeralaydayada iyo kordhinta wax soo saarka” ayuu yiri maareeyuhu. “Waan aqoonsannahay mas’uuliyadda naga saaran iyaga, maadaama ay door muhiim ah ka ciyaaraan daryeelka dalkeena iyagoo soo saaraya alaabo lagama maarmaan ah.”
Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii dhowr beeraley ah ay jimcihii lasoo dhaafay saxaafada uga warbixiyeen dhibaatooyin ay kala kulmeen ciidamada amaanka ee ku sugan Koontaroolada magaalada Muqdisho.
HBN NEWS DESK