Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo si kulu uga hadlay damaca Itoobiya Itoobiya ee biyaha Badda Cas

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa sheegay in marna la aqbali doonon  in la isku dayo in qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaato , , isagoo ka hadlayay heshiiskii badda ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, waxaa uu sheegay in Soomaaliya marnaba aysan ka tanaasuli doonin dhulkeeda.

Tan iyo markii ay Itoobiya heshiiska la gashay Somaliland 1-dii January, waxa sii xumaanayay xiriira labada dal ee jaarka ah. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Itoobiya xaq u siinayo inay Somaliland ka dhisato deked ay ku beddelato aqoonsi.

Cali Cumar Balcad oo wareysi gaar ah siiyay Anadolu xili uu ka qeyb galayay shirka Madasha Diblumaasiyadeed ee ka dhacay magaalada Antalya Jimcihii ayaa sheegay in ay filayeen in ay xiriir wanaagsan la sameeyaan Itoobiya sanado badan oo colaado ah ka dib, balse heshiiskaasi uu baabi’iyay rajadii laga qabay.

Sidoo kale, Balcad ayaa si cad u sheegay in heshiiskii ay dhawaan la saxiixdeen Turkiga ee dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha uusan wax lug ah ku lahayn xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed