Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay diblomaasiyiin ka tirsan Qaramada Midoobay isla markaana ka wada hadlay arrimo culus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Catriona Laing.

Waxa ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda iyo amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa caqabadaha ka jira Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay wadashaqeyn joogta ah oo dhex marta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka caawiyaan nadadeynta dalka, dagaalka Al shabaab , kor u qaadida arrimaha ammaanka iyo wadashaqeyn joogto ah oo yeeshaann.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay yagleelida dowlad isku filan oo ay yeelato Soomaaliya, diirada ay saari doonaan xoojinta xiriiirka ay al leeyihiin, si kor loogu qaado arrimaha aas aasiga ah ee dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed