Wasiir ku xigeenka Difaaca Turkiga iyo Masuuliyiin kale oo ka qeyb galaysa soo dhaweynta Oruç Reis oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaarey Muqdisho, iyaga oo ka qeyb gali doona Munaasabadda lagu soo dhaweynayo Markab Shidaalka ka baaraya Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo safaaradda Turkiga ah ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyada oo socdaalkoodu uu daaran yahay kor u qaaditanaka xiriirka difaaca iyo iskaashiga dhaqalaha ee labada dal.

Masuuliyiintan ayaa maalinta beri ah ka qeyb gali doona sida uu sheegay wasiirka Batroolka XFS xafladda soo dhaweynta ah ee loo sameeyn doono markabka Oruç Reis oo saacadaha soo aadan Soomaaliya soo gaaraya.

Markabkan sahminta (Seismic) ee Turkiga oo shantii bishaan Octobar ka soo dhaqaaqay soo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak ayaa soo socdaalkiisa ku soo qaatay in uu Soomaaliya ku soo gaaro 19 maalin, isaga oo soo maray Badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, waxaana uu ku xira doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya.

Munaasabadda soo dhawaweynta ah ayaa la filaa in ay ka qeyb galaan madaxda ugu sareysa dowladda iyo safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, isaga oo intaasi ka dib guda gali doona howlaha shaqo ee dalka uu u soo gaaray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed