Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Ms. Prestage Murima oo ah ku xigeenka Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.
Intii uu socday kulanka ayaa Wasiirka iyo Safiirku waxa ay ka wada hadleen istaraatiijiyado kor loogu qaadayo wada shaqaynta iyo isku xirka si kor loogu qaado ka qaybgalka qurbajoogta ee qorshayaasha horumarinta qaranka.
Waxa kale oo ay isla soo qaadeen sidii loo dhaqan gelin lahaa siyaasadda qurba-joogta qaranka iyo dajinta istaraatiijiyado wax ku ool ah oo bulshada qurba-joogta looga qaybgelinayo qorshayaal horumarineed oo kala duwan, iyaga oo hoosta ka xarriiqay habka firfircoon ee Soomaaliya uga faa’iidaysanayso khibradaha iyo agabka dibadda si loo helo horumar dhaqan-dhaqaale oo waara.
Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya (2020-2024) wuxuu mudnaan siinayaa kobaca dhaqaalaha iyo dhimista faqriga, isagoo xoogga saaraya doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku aaddan ajendaha horumarinta dhaqaalaha ee la jaan qaadaya barnaamijka socdaalka horumarinta Afrika ee IOM, Ajendaha Horumarka Joogtada ah ee 2030 , iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Socdaalka.
HBN NEWS DESK