Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen 5 xubin ka tirsan a Al-Shabaab gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaannada Garileey iyo Cali-yabaal ee gobolka Galgaduud waxa ay ku dileen 5 ka tirsan dagaalyahanno Al-Shabaab sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cali Caanood.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in la sifeeyay xubno kale oo ku  dhuumaaleysanayay keymaha deegaanka Jir-jir Xiirey oo u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Cali Heelle oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gobolka ay ku wajahan yihiin labada degmo ee ka harsan degmada Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud oo ay weli gacanta ku hayaan Al-shabaab.

 

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda oo kaashanaya saxiibada Caalamiga ah  iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka fulinayay deegaanno ku yaal koofurta iyo Bartamaha, howlgalladas ayaa lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed