Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in shaqadalaga eryey sarkaal ka tirsaan, kaasi oo shaqanayey qeybta la talinta dadka Alshabaab ka soo goosta ee isa soo dhiiba.
Wasaaradda ayaa tilmaantay in Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan oo mar ahaan jiray sida warka loo dhigay la-taliyaha barnaamijka dhaqancelinta iyo isa soo dhiibayaasha Serendi laga soo bilaabo bilowgii sanadkii 2021-kii ilaa bilowgii 2022-kii ee xukuumadii hore.
Sidao o kale waxaa wasaaraddu shaacisay in shaqada laga eryay sarkaalkan Bishii Maarso 2022-kii oo hadda ka soo wareegtay muddo laba sano ah.
“Waxaan u cadeeyneynaa dadka Soomaaliyeed iyo cid walba oo uu la xiriiray in uusan hadda u aheyn xukuumadda Dan-Qaran la-taliye ka tirsan Wasaaraddaa Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalk wasaaradda.
Lama sheegin wax dambi ah oo uu galay iyo sababta uu shaqada uu hayey uu ka waayey.
Sida oo kale la taliyaha shaqada laga eryey Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay , kaasi oo ku aadan qaabka uu shaqadiisa ku waayey iyo waxa khilaaf ee jira.
HBN ONLINE TV