Ururka Dowladaha Bariga Afrika ee IGAD ayaa ka horyimid go’aankii Somaliland safaaradda kaga furatay magaalada Quddus ee la haysto, kadib markii ay hoosta ka xariiqday inay ka go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saartay IGAD ayaa lagu sheegay in ururku la socdo wararka ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland ka furatay magaalada Quddus, iyadoo mar kale ku celisay mowqifkeedii hore ee ahaa in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. IGAD ayaa muujisay walaac ay ka qabto sida sida ay ku dooday tallaabo kasta ama hindise kasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka noocaas ah ay halis u yihiin inay sii kordhiyaan xiisadaha, isla markaana wiiqaan nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka gobolka.
Qoraalka IGAD ayaa lagu sheegay in mowqifkan uu waafaqsan yahay Heshiiska Aasaaska IGAD, Xeerka Aasaaska Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo dhammaantood adkaynaya ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah.
HBN ONLINE TV

