Wasiirka Gaashaandhiga Israa’iil oo xaqiijiyay in muddo dheer Somaliland ay la wadeen hawlo qarsoodi ah

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, wuxuu ku sheegay in labada dhinac ay muddo sanado ah iskaashi lahaayeen si qarsoodi ah.

Katz ayaa tilmaamay in dhinacaydu la haayeen muddo dheer is kaashi hoose oo qarsoodi ahaa, balse hadda la gaarsiin dono mid amni oo heer cusub ah.

“Sanado badan waxaan iska kaashanaynay hawlgallo kala duwan oo qarsoodi ahaa, kuwaas oo weli sir ahaan ahaan doona. Hadda waxaan go’aansannay inaan gaarsiino iskaashigeenna amniga heerar cusub, si ay uga faa’iideystaan labada shacab iyo xasilloonida gobolka,” ayuu Katz sheegay, sida lagu daabacay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo uu soo xigtay wargeyska The Times of Israel.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay “weerar ula kac ah” oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci oo ay ku difaacayso madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada dalka, iyada oo walaac weyn ka ka muujisay xiriirka ay Israa’iil la yeelatay maamulka Somaliland.

Geesta kale, Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sheegay in Israa’iil aysan ku guuleysan doonin qorshayaheeda ay ku beegsaneyso Soomaaliya iyo Geeska Afrika, kadib markii ay ku hanjabeen inay ka hortagi doonaan isku day kasta oo noocaas ah.

Kooxda ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda u garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si looga hortago waxa ay ku tilmaameen mashruuca Sahyuuniyadda ee lagu bartilmaameedsanayo Soomaaliya, Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed