Wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis difaaca ah

Wasiirradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo dhinaca maaliyadda ah si diiradda loo saaro sida hadalka loo dhigay iskaashigooda difaaca oo horay u kala saxiixdeen.

Kulanka heshiiskan oo labada dowladood u kala saxiixeen Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler ayaa ku ballameen in heshiiskaan ujeedkiisa laga dhigo xoojinta dhinacyada kala duwan ee kobcinta iskashi oo faa’iido u leh labada dhinac si loo gaaro hiigsiga labada dhinac.

Turkiga ayaa bixin doonta kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee Militariga Soomaaliya, tani waxa ay ka mid tahay maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah si sare loogu qaado tayada ciidanka Xoogga Dalka.

“Sida ku cad heshiiska, Turkiga wuxuu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee militariga Soomaaliya, taas oo ka mid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, kuwaas oo lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka.” Ayaa lagu yiri nuqulka heshiiska oo la warbaahinta loo qeybiyey.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in tallaabadaan ay qayb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo Ciidamada qalabka sida oo qayb kamid ah ay tababartay Dowladda Turkiga.

Soomaaliya & Turkiga waxaa ka dhaxeeya heshiis billowgiisa ku soo aasaasmay kaalmo bani aadamnimo oo Xukuumadda Ankara siisay dhiggeeda Muqdisho sanadkii 2011, wixii xiligaas ka dambeeyay marba heer ayuu soo gaarayay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed