Warbixin: Afar meelood meel ka mid ah dadka ku nool Soomaaliya ka barakacay abaaro iyo colaado

Afar meelood meel ka mid ah dadka ku nool Soomaaliya ayaa hadda ku barakacay abaaro iyo colaado, iyadoo dhibaatada barakaca ee dalka ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, sida ay sheegtay hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

Islamic Relief ayaa warbixinteedii ugu dambeysay oo ay soo saartay galabnimadii Arbacada ku sheegtay in in ka badan 4.3 milyan oo qof ay ku barakacsan yihiin gudaha Soomaaliya – tirada ugu badan ee abid laga diiwaan geliyo dalka, iyadoo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​17 milyan oo qof.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in abaarta ka jirta Soomaaliya aysan u dhiman dadka iyo duunyada oo kaliya balse ay waxyeello u geysatay dalagyadii beeraha, taasoo keentay in qiimihii raashinka uu sare u kaco, dad badanna ay gaajo u dhintaan, warbixinta ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Farxaan Ab Risaaq Aadan oo ah madaxa hay’adda Islamic Relief ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo, kana mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka, magaalooyinka Geeska Afrika ee sida ba’an u saameeysay abaarta.

“Waxaan xeryaha ku aragnay haween badan oo xiran xijaab cad, taasoo ka dhigan in ragoodii ay u dhinteen dagaal ama gaajo,” ayuu yiri Farxaan Ab Risaaq Aadan oo ah madaxa hay’adda Islamic Relief, kaas oo kamid ah masuuliyiinta ay soo xigatay hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska oo warbixintaan qortay.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladda magaalada Baydhabo ay tahay mid aan la qiyaasi karin, oo maalin walba ay dad badan soo galaan kuwaas oo ka soo cararay dhulka miyiga ah kadib markii xoolihii iyo beerihii ay saameysay abaarta.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, iyadoo 8.25 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo sida ay sheegtay had’adda.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed