Wararkii Ugu Dambeyay Hoobiyaal Lagu Garaacay Muqdisho iyo Khasaarihii Ka Dhashay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaro ka dhashay madaafiic saakay lagu garaacay magaalada Muqdisho, waxana ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho, dhaawac, iyo burbur soo gaaray guryihii ay ku soo dhaceen.

Madaafiicda haboowga aheyd ayaa mid kamid ah ku soo dhacday guri ku yaal degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaas oo ay daganaayeen hal-qoys.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Aabe iyo Gabar uu dhalay, iyada oo ay ku dhaawacmeen xubno ka tirsan qoyska kuwaas loo qaaday goobaha Caafimaadka, waa kuwaan magacayada dadkii ku dhintay  iyo kuwii ku dhaawacmay, madficii ku dhacay guriga ay daganaayeen:

Macalin Aweys Maadey oo ahay sida la sheegay macalin dugsu Quraan oo caan ka ahay degmada Waaberi. Xaliimo  Macalin Aweys oo aan gaarin 7 Sanno ayaa ku dhimatay, dhanka kale ilaa ku dhawaad 4 ruux kale oo ka tirsanaa qoyska ayaa ku dhaawacmay oo ay ku jirto Hooyadii guriga oo lagu magacaabo Naciimo Maxamed Cabdi.

Sidoo kale degmooyinka Xamar Jajab iyo Warta Nabada ayaa waxaa ku soo dhacay madaafiic kale, balse lama soo warrin khasaaraha ka dhashay madaafiicda lagu garaacay.

Ilaa hadda laamaha ammaanka ee dowladda faah faahin kama bixin hoobiyaasha saakay lagu garaacay degmooyinka ku yaal gobolka Banadir.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed