Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine & Ruushka

Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay burburiyeen cutub ka tirsan ciidamada Ruushka oo ku sugnaa deeganaka Makiivka oo ku yaal gobolka Donestk oo ka mid ah afarta gobolka Ruushka ka qabsaday Ukraine. Saraakiisha uu Ruushka taageero ee gobolka ayaa sheegay in hal qof oo rayid ah uu ku dhintay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn Ukraine ka geysatay gobolka.

Sidoo kale, Gobollada Kursk iyo Belgorod ee Ruushka ayaa duqeyn kala kulmay ciidamada Ukraine, guddoomiyeyaasha gobolladaas ayaa sheegay in aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeynta.

Docda kale,Ruushka ayaa qorsheynaya inuu u diro dagaalyahano badan oo Jeejniya ka soo jeeda iyo maxaabiista xabsiyada ee damniyada lagu xukumo si ay uga dagaalamaan Ukraine una buuxiyaan booska ay baneeyeen calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee laga soo saaray jiidda hore ee dagaalka, sida lagu sheegay warbixinno dhanka sirdoonka oo laga soo xigtay saraakiil sar sare oo ka mid ah mukhaabaraadka Yurub.

Ma cadda tirada dagaalyahannada Jeejniya ee la diri doono, laakiin bishii May, hoggaamiyaha gobolka Jeejniya Ramzan Kadyrov, ayaa hadal uu ku soo qoray bartiisa Telegram ku sheegay in 7,000 oo askari oo ka mid ah ciidankisia horey ay ugu sugnaayeen Ukraine, 2,400 kalena loo tabobaray Wasaaradda Difaaca ah.

Kremlin-ka ee looga taliyo dalka Ruushka ayaa sheegay in aysan xaqiijin karin warbixin uu qoray wargeyska Financial Times ee London ka soo baxa ee ah in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu si shaqsi ah uga digay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in uu isticmaalo hubka Nukliyeerka ah ee Ukraine.

Financial Times ayaa sheegtay in Xi uu fariinta gaarsiiyay markii uu booqday Moscow bishii Maarso. Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa saxafiiyiinta u sheegay inaanay ka warqabin warkaasi uu qoray wargeysku.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed