Kenya oo war cusub ka soo saaray weerar kooxo hubeysan ka gaysteen gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari

Booliska Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa maanta sheegay inay fashiliyeen howgal la tuhunsanaa inuu ahaa qorshe lagu dhici lahaa dadka ku safra waddada isku xirta Dhagaxleey iyo Mathangisi, kaddib xog ay ka heleen shacabka deegaanka. Badi halkaan waxaa si joogto ah ugu socdaala dadka Soomaalida ah ee ku nool Gaarisa.

Ciidamada Booliska oo ay garab siinayeen sida la tilmaamay Ciidamada Kaydka Booliska Kenya (NPR), ayaa gaaray goobta kadib markii la soo sheegay in koox hubeysan ay waddada ku joojinayeen gaadiidka, isla markaana ay darawallada iyo dadka safarka ah hub ku dhacayeen.

Booliska ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka si loo baadi-goobo tuhmanayaasha, waxaana la carrabaabay lagu guuleystay in la fashiliyo qorshahaasi, iyadoo sidoo kale laga helay guri deegaanka ku yaalla agab loo eekeysiiyey qori la rumeysan yahay in loo adeegsan jiray weerarrada ka dhici jiray waddada.

Tuhmanayaasha ayaa ka baxsaday goobta ka hor inta aan la qaban, hase yeeshee Booliska Kenya ayaa sheegay in wali uu socdo raadinta iyo baadi-goobka lagu hayo, iyagoo ka shaqeynaya xog kasta oo horseedi karta in la aqoonsado lana soo qabto dadka ka dambeeyay falalkaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed