Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeyn dhanka cirka ah oo dhamaadka todobaadka hore uu ka fuliyey Soomaaliya, taas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Alshabaab.
War saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday meel qiyaastii 175 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, iyadoo howlgalka lala kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ma cadda deegaanka si rasmiga ah howlgalku uga dhacay, lagumana xusin bayaanka, halka aan la cadeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaare Alshabaab soo gaaray.
Sidoo kale, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay si wadajir ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya u sii wadaan howlgallada lagu wiiqayo awoodda Alshabaab.
Duqeymaha Maraykanka uu fuliyey Soomaaliya sanadkan ayaa sare u kacay, iyada oo Dowladda dhexe ay sheegtay in goobo badan oo la duqeeyey uu ka caawiyey, taasi oo dhalisay khasaare culus oo la gaarsiiyo Alshabaab.
HBN ONLINE TV

