Wararkii Ugu Dambeeyay ee Magaalada Laascaanood iyo Dagaalo Xalay ka Dhacay.

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kadib dagaal xalay halkaasi dhacay Afurka kadib, iyada oo taniyo xalay xiisad xooggan ay jirtay,  labada dhinac ayaa isku hor-fadhiyay furihima dagaalka.

Dagaalkaasi ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay dhinaca bari ee magaalada oo ku beegan Gooja-Cadde uuna billowday xalay ku dhawaaw 10:00 oo habeenimo, muddo ku dhawaad hal saac ayuu socday.

Khasaaraha dhabta ah lama xaqiijin ee ka dhashay dagaalka, balse guud ahaan deegaanka waxaa laga maqlay dhawaqa hubka la isku adeegsaday.

Si kastaba Xaaladda ayaa maanta daggan, waxana lagu waabariistay jawi ka fiican kii xalay, inkastoo dadka Shacabka ah ay ku jireen Cabsi xooggan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Ciimadu ay ku sugan yihiin goobihii ay difaac kaga jireen, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac.

dagaalkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo muddooyinkii dambe baaq Caalami ah loo diraayay dhinacyada isku hayo Magaalada Laascaanood balse kama dhaqan galin in la joojiyo xabada.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed