Wararkii Ugu Dambeeyay Dowladda oo La Wareegtay Deegaanno Ka Tirsan Baay iyo Galgaduud.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Maanta Al shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Baay sida ay shaaciyeen Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada kuwaas arrimahaas ka faafiyay.

Howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo ka dhacay deegaanno hoos taga  magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud oo ay shalay Ciidanku la wareegeen dagaal aan dhiig ku daadan ayey maanta markale waxay gacanta ku dhigeen Tuulada Habar Gacalo ee deegaanka.

Ku dhawaad 10 ka tirsan dagaal yahannada Al shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaasi ka dhacay Gobolka Galgaduud sida lagu faafiyay Warbaahinta dowladda oo soo xiganeyso saraakiisha hoggaamineyso Ciidanka halkaasi kawada howlgallada.

Dhankale Gobolka Baay ee Koofurta Soomaaliya howlgallo ay fuliyeen Ciidanka dowladda, kuwa Koofu Galbeed iyo kuwa deegaanka, ayaa waxay kala wareegeen  Al shabaan deegaanno dhowr oo ka tirsan gobolkaasi.

Deegaannadaan ayaa kala ah Adeegow, Walak, Tabarow iyo Tabarsale kuwaas oo 45 km dhanka Waqooyi kaga beegaan magaalada Baaydhaba ee gobolka Baay.

Si kastaba, maalmihii la soo dhaafay Ciimada dowladda ayaa howgallo ay sameyeen waxa ay gacanta ku dhigeen deegaanno badan oo ku yaal Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo muddo badan ay xakumayeen Al shabaab.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed