Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Markale ka Dhacay Laascaanood.

Faahi faahino kale ayaa ka soo baxay dagaal Culus oo markale ka dhacay Magaalada Laascaanood ee gobolka kaas oo dhex maray Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa Deegaanka ee SSC Khaatumo.

Dagaalka ayaa waxaa ka dashay khasaaro xooggan oo soo gaaray labada dhinac, waxana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, xilli gudaha magaalada ay ku soo dhaceen madaafiic kala duwan waxaana ka dhashay khasaaro ah burbur soo gaaray qaar kamid ah dhismayaasha kuyaalla magaalada.

Dagaalka ayaa waxaa sababay kadib markii Ciidanka Soomaaliland ay sameeyeen socdaal iyo dhaqdhaqaaq taas oo keentay in dagaal uu dhaco, guud ahaan magaalada ayaa laga dareemay daryanka dhawaqa rasaasta la adeegsaday.

Labad dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyaga oo sheegay in gaadiid dagaal ay kala qabsadeen, midba midka uu khasaaro gaarsiiyay waa sida ay kala sheegteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegaya inay halkaasi kajiraan dhaq dhaqaaqyo Ciidan, isla markaana dadka degaanka ay sheegeen inay cabsi dagaal dareemayaan madaama dhinacyada ay weli ishor-fadhiyaan.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed