Waxaa soo baxaysa faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan kulamadii Muqdisho ku dhexmaray Wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminaysay Wasiirka Gaashaandhigga Caa’sha Maxamed Musa, oo uu wehelinayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mesganu Arga & madaxda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad).
Asalka Booqashada
Booqashadan ayaa daba socotay safar ay todobaadkii hore wafdi ka socda Soomaaliya ku tageen Addis Ababa. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa fariin kooban oo uu ku soo dhigay baraha bulshada ku yiri:
“Maanta waxaan Muqdisho kusoo dhoweeyey dhiggeyga H.E. Aisha Mohammed, Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya. Waxaan ka wada hadalnay xaaladda amniga ee gobolka iyo muhiimadda iskaashiga difaaca ee dalalkayaga. Iskaashigan wuxuu abuuri doonaa jawi ku habboon nabadda iyo barwaaqada gobolka Bariga Afrika.”
Bayaanka Dowladda Itoobiya
Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa soo warisay in wafdiga ay “wadahadallo miro dhal ah” la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay gudbiyeen farriin uu u soo dhiibay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya. Warkan wali lama xaqiijin dhanka Dowladda Soomaaliya.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen iskaashi ku saabsan hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (#AUSSOM), iyo in la xoojiyo xiriirka labada dal. Wakaalada Itoobiya ayaa intaa ku dartay in madaxda Soomaaliya la filayo inay dhawaan booqasho ku tagaan Addis Ababa.
Qodobadii Wadahadalka Looga Hadlay
- Mahadnaqa Soomaaliya: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa muujiyay sida uu ugu mahadcelinayo “nafhurnimada” ciidamada difaaca Itoobiya ee ka qayb qaadanaya xasillinta Soomaaliya.
- Dadaalka Itoobiya: Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya Aisha Mohammed ayaa ku nuuxnuuxsatay sida ay Itoobiya uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo ahmiyadda iskaashiga ka dhanka ah argagixisada.
- Iskaashiga Gobolka: Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mesganu Arga ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda wadajirka ee nabadda iyo horumarinta gobolka, isagoo ku baaqay xal deg deg ah oo lagu wajaho caqabadaha amniga.
Wadahadallo Xasaasi ah oo Albaabada u Xirnaayeen
Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kuna hadlayay shuruud ah inaan magaciisa la sheegin sababo la xiriira xasaasiyadda warkan, wadahadallada ayaa diiradda saaray qorshayaasha dhammaadka hawlgalka ATMIS ee Midowga Afrika, iyo doorka suurtagalka ah ee Itoobiya ku yeelan karto hawlgalka cusub ee AUSSOM. Waxa kale oo lagu wargeliyay Itoobiya in dalalka kale ee ciidamada keena, sida Kenya, Jabuuti, Burundi, iyo Masar, loo qorsheeyay inay buuxiyaan boosaskii ciidamada Itoobiya ee hore.
Dareenka Shacabka
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa su’aalo iska waydiinaya sababta madaxda dowladda aysan faahfaahin uga bixin wadahadalladan. Waxaa jira welwel weyn oo ku saabsan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya iyo doorkooda cusub ee hawlgalka AUSSOM.
Iskaashiga Dibloomaasiyadeed ee Ugu Dambeeyay
Todobaadkii hore, wafdi Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad) ayaa booqday Itoobiya, halkaasoo ay kulamo kula yeesheen Danjire Mesganu Arga si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dal.
Dawlada Soomaaliya oo war cusub soo saartay
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay booqashada wafdi heer sare ah oo ka socday Itoobiya oo uu hoggaaminaysay Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Caa’isha Maxamed, kuwaas oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in wafdigaas uu soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulkadir Maxamed Nuur, iyadoo wadahadalladu diiradda saareen xoojinta iskaashiga goboleed iyo fulinta heshiisyadii lagu gaaray Ankara 11-kii Diseembar 2024.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta heshiisyadii hore loo gaaray, iyadoo adkanaysa muhiimadda ay leedahay dhameystirka qaab-dhismeedka hawlgalka AUSOM iyadoo la adeegsanayo wada-shaqeyn laba-geesood ah iyo mid heer gobol ah”.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay ka fiirsaneyso codsiga Itoobiya ee ku saabsan in ay ciidamo ku biiriso hawlgalka AUSOM. Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda gobolka, kalsooni dhisidda, iyo dhowridda madaxbannaanida, iyagoo ku tilmaamay kulankaas tallaabo muhiim ah oo loo qaaday iskaashi waara.
HBN Online TV