Warar ka soo kordhay xaalada gabadhii orodka Soomaaliya u matashay & guddoomiyihii shaqada laga joojiyay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo kordhay guddoomiyihii ciyaaraha fudud ee shaqada laga joojiyay iyo Gabadhii Soomaaliya ku mataleysay  ciyaarihii orodada 100 mitir ee lagu qabtay dalka Shiinaha ee loo gaar yeelay  Jaamacadaha. arrintaas oo noqotay middii ugu hadal heynta badneed 48 saac ee la soo dhaafay.

Nasra abuukar Cali oo tartanka orodada ciyaaraha fudud kaga qeyb-gashay dalka shiinaha  ayaa bixisay warreysi ay kaga hadashay facelintii ka dhalatay guul darradii ka soo gaartay tartankaas, iyada oo fadeexad xooggan ay ka dhalatay  hannaanka loo xulay Gabadhaas, arrintaas darteed waxaa shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiyihii xiriirka ciyaaraha fuduud ee Soomaaliya Khadiijo Aadan Daahir.

Nasra Abuukar ayaa gaashaanka u daruurtay oo beenisay  in uu diray xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, waxayna meesha ka saartay in wax lug ah uusan ku laheyn xiriirka arrimaha safarkeeda iyo tartanka ay ka qeyb-galeysay, Narsa ayaa sheegtay in Jaamacadeeda ay ku mataleysay tartankaas ka dhacay dalka Shiinaha oo loogu talagalay Jaamacadaha.

Dhanka kale waxaa ay ku doodday in iyada oo dhaawacan ay ka qeyb gashay tartanka, kadib markii uu muruq booday intii ay ku jirtay garoonka sidoo kalana ay xanuunsatay, waxaa intaas raacisay in ay magaca Soomaaliyeed ay geeysay meel sare, korna u qaadday maaddaama  waddamo badan oo ka qeyb galayeen tartankaasi. waxaa ay meesha ka saartay falcelintii ka dhalatay orodkeedii iyo  sidii gudaha iyo  debbadaba looga faceliyay, Nasra ayaa sheegtay in muhiimadu ay tahay in calanka Soomaaliya ee ay geysay meesha guul darrdana ay tahay wax iska caadi ah.

Nasra ayaa hadalkeeda ku soo gunnaanaday in wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ay is arkeen kahor inta aysan Muqdisho ka bixin, waxayn intaas ay raacisay in ay la yaab ku noqotay markii uu wasiirku warbaahinta ka sheegay in uusan waxbo ka ogeyn bixitaanka Gabadhaas.

Sidoo kal waxaa Wareysi bixisay guddoomiyihii xiriirka ciyaaraha fuduud Soomaaliya ee laga joojiyay shaqada  Khadiijo Aadan Daahir, oo ka hadashay shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa sheegtay in arrinta shaqa ka joojinta ay khuseyso ciddii sameysay, si cadna ugama hadlin arrintaas, balse ay sii waddan doonto shaqadeeda, waxaa ay intaas raacday in haatan ay u diyaar garoobayaan  ka qeyb galka ciyaaraha World Chamion Soomaaliya, haddana ay joogaan Nairobi , iyada iyo xubin kamid ah xiriirka Soomaaliy ee ciyaaraha fudud, halka ciyaartooyada Soomaaliya ku matalaya tartankaas uu horay u qaatay Fiisaha dal ku galka waddanka Hungary oo tartankaas uu ka lagu qabanayo sida ay sheegtay.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed